Dhammaan caruurta ku nool South Africa, waddani ama ajnabi keey doonaan ha noqdaano e, xuquuq ayay leeyihiin!
Caruurta ajnabiga ah ee ku sugan South Africa waxay leeyihiin xuquuqooyin dhoowr ah si la siman saaxibadooda Koonfur-Afrikaanka ah. Tusaale ahaan, caruurta ajnabiga ee ku dhasha South Africa waa in ay helaan:
Warqadda dhalashada (birth certificate)
Dokumiinti-sharci
isguul-waxbarasho
Isbitaal-adeeg caafimaad.
Mararka qaar, helitaanka adeegyadan kor ku xusan waa adkaan kartaa; sidaas darteed, haddii ilmahaagu culeeys kala kulmo in adeegyadaa helo, waxaan diyaar kuula nahay in aan kugu talo siinno si bilaash ah.
Caawin ma u baahan tahay?
Haddii aadan Af-Ingiriisi ku hadli karin, isla markaana aad u baahan tahay in lagaala taliyo arrimo ilmahaaga la xiriira, fadlan farriin WhatsApp ah inoogu soo dir telefoonkan: 0782603536, adigoo dhahaya: “ I need advice. I only speak SOMALI”. Laakinse haddii aad Af-Ingiriisi ku hadli karto, fadlan, nagula soo xiriir Af-Ingiriisi. Kadibna si deg deg ah ayaan kuu caawin kareeynaa.
Warqadda dhalashada
Dhammaan caruurta ku dhalata dalkan South Africa-ajnabi iyo waddaniba waa in ay helaan warqadda dhalashada (birth certificate)! Caruurta ajnabiga ah ee ku dhasha waddankaan South Africa waa in ay helaan waqadda dhalasho (birth certificate); laakinse, mararka qaar, aad ayay ugu adag tahay waalidiinta in ay u helaan caruurtooda.
Sidaas darteed, haddii ilmahaaga ah uu dhibkaan soo wajaho, fadlan, inoo kaalay, waxaana diyaar u nahay in aan kugu talo siinno si bilaash ah.
Haddii aadan Af-Ingiriisi ku hadli karin, isla markaana aad u baahan tahay in lagaala taliyo arrimo ilmahaaga la xiriira, fadlan farriin WhatsApp ah inoogu soo dir telefoonkan: 0782603536, adigoo dhahaya: “ I need advice. I only speak SOMALI”. Laakinse haddii aad Af-Ingiriisi ku hadli karto, fadlan, nagula soo xiriir Af-Ingiriisi. Kadibna si deg deg ah ayaan kuu caawin kareeynaa.
Dokumiinti-sharci
Waddan kale miyaad ka soo jeeddaa? Dhammaan ajnabiga ku sugan South Africa oo carruurtaada ku jiraan waxay u baahan yihiin in ay heeystaan fiiso sax (valid visa) ah ama dokumiinti-oggolaansho (permit) sax ah.
Mararka qaar, in adiga iyo carruurtaada aad heshaan dokumiinti sax ah aad bay u adag tahay, laakinse, dokumiintiga aad buu muhiim u yahay.
Haddii lacalla adiga iyo carruurtaadaba aad dhib kala kulnataan in aad heshaan dokumiintiyadan waxaan diyaar kuula nahay in aan kuugu talo siinno si bilaash ah.
Haddii aadan Af-Ingiriisi ku hadli karin, isla markaana aad u baahan tahay in lagaala taliyo arrimo ilmahaaga la xiriira, fadlan farriin WhatsApp ah inoogu soo dir telefoonkan: 0782603536, adigoo dhahaya: “ I need advice. I only speak SOMALI”. Laakinse haddii aad Af-Ingiriisi ku hadli karto, fadlan, nagula soo xiriir Af-Ingiriisi. Kadibna si deg deg ah ayaan kuu caawin kareeynaa.
Isguul-waxbarasho
Dhammaan caruurta ku sugan South Africa, ha noqdaan South Afrikaan ama ajnabi keey doonaano e, waxay xaq u leeyihiin in ay waxbarasho helaan oo ay isguulka aadaan! Caruurta ajnabiga ah ee ku sugan South Africa xaq ayey u leeyihiin in ay isguul helaan si la siman saaxibadooda Koonfur Afrikaank ah.
Haddii aad dhib kala kulanto in aad isguul u hesho ilmahaaga, waxaan diyaar kuula nahay in aan kugu talo siinno, kugu caawinno si bilaash ah.
Haddii aadan Af-Ingiriisi ku hadli karin, isla markaana aad u baahan tahay in lagaala taliyo arrimo ilmahaaga la xiriira, fadlan farriin WhatsApp ah inoogu soo dir telefoonkan: 0782603536, adigoo dhahaya: “ I need advice. I only speak SOMALI”. Laakinse haddii aad Af-Ingiriisi ku hadli karto, fadlan, nagula soo xiriir Af-Ingiriisi. Kadibna si deg deg ah ayaan kuu caawin kareeynaa.
Isbitaal-adeeg caafimaad
Waddankaan South Africa, dhammaan carruurta-ajnabi ama waddani keey doonaan ha noqdaano e, waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeeg caafimaad! Waddankaan South Africa, carruurta ajnabiga ah waxay xaq u leeyihiin adeegga caafimaad ee dawladda bixiso (public health care) si la siman saaxibbadooda Koonfur-Afrikaanka ah.
Haddii ilmahaagu uu dhib kala kulmo helitaanka adeeggan caafimaad, waxaan diyaar u nahay in aan ku siinno talooyin muhiim oo bilaash ah.